Home WARARKA Al Shabaab oo dilay Sargaal Kenyaan ah + Weerar ka dhacay Kenya

Al Shabaab oo dilay Sargaal Kenyaan ah + Weerar ka dhacay Kenya

0
SHARE

Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalamayaal la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabab ay weerar gaadma ah ku qaaden gaari ay la socdeen ciidamo Kenya ah,hal askari ayaa dhintay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha degmada Mandera Fredrick Shisia ayaa sheegay in kolonyada ciidamada ay kasoo baxday magaalada Nairobi kuna safraysay magaalada Mandera waxana weerarka uu ku qabsatay degaanada Elwak iyo Lafey.

Fredrick Shisia ayaa shegay in iyadoo ay ciidamada Kenya ay joogan Xadka Soomaliya iyo Kenya haddana ay Al-shabab ay u suurta gashay in ay kasoo talaabaan xadka.

Al-shabab ayaa iyadu dhowr jeer weerartay saldhigayada Kenya ay ku leedahay xadka labada dal gaar ahaan weeraro xogan ay ka geesatay Mandera.

 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE