Home RA’YIGA Boqorkii Itoobiya Xeyle Salaase “Xasuuqa Oromada,Soomaalidana…”

Boqorkii Itoobiya Xeyle Salaase “Xasuuqa Oromada,Soomaalidana…”

0
SHARE

Boqorkii hore ee dalka Itoobiya Xeyle Salaase ayaa intii uu xukunka waddankaas hayey mar uu la dardaarmay qowmiyada uu ka dhashey ee Amxaarada ayaa wuxuu yiri:

Soomaalida bar laaya oo dila, barna lacag siiya.Oromada iyaga ka ilaaliya iney sheegtaan dhulka oo ay yiraahdaan dhulka anagaa iska leh.Tigreda iyo Amxaarada iyo kuwa laga tiro badan yahay iyaga xukunka ha hayeen.

Hadalka boqor xayle salaase waxaan u soo xigtey walaal adigoo soomaali muslim ah xor ah calankaas buluga ah dhexda ku leh xidigta haysta sharaf kula noolaan karo walaalaha somaliyeed oo aad tihiin ehel iyo qaraabo sinna aadan ku kala tageynin. inaad ogolaato in wadankaada loo kala qaybiyo ilaa toban qeyb taasina ay kaa dhaadhiciyaan tigrey iyo amxaar aan haysan shacab badan. xukunka itoobiya ku haysta xoog iyo garab shisheeye in adigoo soomaaliya madax u ah in aad u sii cararto adis ababa waxey ila tahay waa doqonnimo.

Waxaa dhab ah duligaas waxa inoogu wacan waa qurunka qabyaaladda.somaliyey haddadan ka tagina qabyaaladda meel xun baa inoo danbeyneysa.wixii dhacay oo qalad ahaa in lagu sii taagnaado iyo qabyaalad iyo waa la xasuuqey waxaan u arkaa iney yihiin waxyaabo ay adeegsanayaan siyaasiyiin dano gaar ah leh midka aan waxgaradka aheyna uu qaadanayo oo lagu adeeganayo uuna u qaadanayo si sahlan maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay qabiil iyo qabyaalad caqli kale iyo diin kale ma laha. ogow walaal soomaaliga kale waa walaalkaa isku dhaqan isku diin isku af ayaad tihiin.midnimadeena ayey sharaftaada iyo karaamadda ay ku jirtaa.

W/Q: Ilyaas Cabdi

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE