Home WARARKA Cabsi ay abuurtay Shabaab oo ka taagan Kenya & Madaxweyne Uhuru oo...

Cabsi ay abuurtay Shabaab oo ka taagan Kenya & Madaxweyne Uhuru oo ku wareersan In Xal loo helo

0
SHARE

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta oo weriyayaasha kula hadlaayay aqalka looga arimiyo Kenya ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay halis ku yihiin dalkiisa.

Uhurro Kenyatta waxa uu sheegay in qaar kamid ah Gobolada Kenya ay deegaano caadi ah ka dhigteen Shabaab.

Kenyatta waxa uu sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay ku dhex milmeen dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolada dalka.

Waxa uu tilmaamay in Shabaabkaasi ay yihiin kuwo kasoo cararay Gobolada Somalia ee dhawaan duqeeyen ciidamada kumaandooska Mareykanka iyo Somalia.

Muwaadiniinta waa inay isha ku hayaan Shabaabka deegaanada iyo goobaha Ganacsi ka dhiganaaya dalka, waxaan ku baaqeynaa inay la shaqeeyan ciidamada

“Waxaa jira dhibaatooyin ay Shabaab u maleegayaan carruurteena, hooyooyinkeena iyo dhammaan shacabka dalka, waa in la muujiyaa feejignaan iyo isla socod”

Uhurro Kenyatta ayaa sidoo kale Saraakiisha ciidamada xadka ku amray inay xoojiyaan amniga, waxa uuna cadeeyay in Shabaabka ay doonayaan inay ka faa’iideystaan xiliga doorashada.

Haddalka Madaxweyne Kenyatta ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay maleeshiyaadka Shabaab shaaciyeen inay Saldhigyo ku leeyihiin gudaha Kenya.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE