Home WARARKA Cali Khaliif Galleyr oo Ka Yiri Muqdisho Hadal Caadifad Leh + D.F...

Cali Khaliif Galleyr oo Ka Yiri Muqdisho Hadal Caadifad Leh + D.F Jaawaab…

1
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Dr Cali Khaliif Galleyr oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si kulul uga hadlay gacan bidixeyn lagu hayo Maamulkiisa.

Cali Khaliif waxa uu Dawlada Federaalka Soomaaliya ku Eedeeyey waxa loo fogeeyey Maamulka Khaatumo oo jawaabna uu ka sugayo waxa looga qeyb gelin waayey Shirarka Hiigsiga 2016-ka looga Arinsanayo.

Si caadifad leh ayuu ku sheegay Dr Cali Khaliif Galleyr inuu fahmi waayey waxa Maamulada Wuqooyiga Soomaaliya Naceybka loogu beerayo oo Shirarka Muqdisho iyo Koonfurta ka dhacaya looga qeyb gelineyn.

Sidoo kale shirkiisa Jaraa’id ayuu madaxweyne Galleyr kusoo qaaday inay socoto qorshe maamulkiisa la iskugu shaandheenayo oo isbadel la rajeenayo wakhtiyada soo aadan.

Waxa Cali Khaliif uu sidoo kale ka hadlay Qorshe Maamulka Soomaaliland shidaal baaris uga wadaan deegaano katirsan Gobollada Sool iyo Sanaag uguna baaqay in aan la isku xad gudbin.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE