Home WARARKA DAAWO: Ciidanka Itoobiya Ee gaaray Kismaayo waxay wadaan…

DAAWO: Ciidanka Itoobiya Ee gaaray Kismaayo waxay wadaan…

1
SHARE

Dhawaan waxa idiin soo gudbinay Warbixin ka hadlaysan Cutubyo katirsan Ciidan Itoobiya kuwaasi oo gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka waxa la sheegay inay badel unoqonayaan Ciidanka Seirra Leone kuwaasi ka mid ah Ciidanka AMISOM oo laga rarayo Magaaladaasi.

Saraakiisha Hogaamineysa Ciidanka Itoobiya Ee Kismaayo gaaray waxay sheegeen inay la kulmeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland ee Kismaayo ka arimiya.

Dadka kasoo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa waxay aaminsan yihiin in dhibaato ay kusoo kordhin karaan Ciidanka Itoobiya ee la geeyey Magaalada Kismaayo.

Cadaawada Itoobiya ayaa waxay tahay mid qarsoon oo aan si fudud lagu dareemi karin baa la yiri iyadoo Shacabka Kismaayo ay cabsi ka qabaan arinta hadda la saadaaliyey.

xabashiitoobiya xabashiitoobiya1 xabashiitoobiya2

SHARE