Home WARARKA Daawo Sawirro muujinaaya Rono oo canaananaaya Saraakiisha Ethiopia ka jooga Somalia

Daawo Sawirro muujinaaya Rono oo canaananaaya Saraakiisha Ethiopia ka jooga Somalia

0
SHARE

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM, General Jonathan Rono ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku gaarey furumaha Ciidanka Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Taliyaha ayaa u kuurgalayay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada wuxuuna wareystay qaar ka mid ah Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Ethiopia ee ka howlgasha Baydhabo.

General Jonathan Rono oo ka hadlay socdaalkiisan, ayaa sheegay inuu ku saleysan yahay sidii uu u darsi lahaa Ciidanka Amisom, kuwaa oo sida uu sheegay ay qaarkood ay dhuufoon yihiin, halka qaarna ay ka muuqato caajis.

Saraakiisha ayuu ku booriyay inay xaqiijiyaan amaanka Baydhabo islamarkaana ay iyaga kula xisaabtami doonaan sida uu sheegay.

Waxa uu sidoo kale ku wargaliyay in looga baahan yahay ka hor inta aysan dhicin doorashada Somalia ay Al-shabaab ka saaran goobaha ay kaga sugan yihiin Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

rono1

rono2

rono3

rono4

rono5

rono6

rono7

rono8

rono9

rono10

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE