Home VIDEO S DAAWO VIDEO: Itoobiya oo Arin ay Soomaalida Ka Xumaaneyso Bilowday

DAAWO VIDEO: Itoobiya oo Arin ay Soomaalida Ka Xumaaneyso Bilowday

0
SHARE

Kadib kulan Magaalada Hargeysa ay ku yeesheen Maamulka Soomaaliland iyo Xubno ka Socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa looga Hadlay Arimo dhowr Ah.

HALKAAN RIIX SI AAD UDAAWATO MUUQAALKA

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo uu hareer fadhiyey kuxigeenkii Axmed Seylici,Xubno katirsan Golaha Wasiirada Maamulkiisa ayaa si diiray waxay usoo dhaweeyeen Wafdigaasi ka socday D.D.S.I.

Wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa kulankaasi ka sheegay inay wadaan qorshe ay Kalluunka Soomaaliland ugu dhoofinayaan Dalka Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa kaga mahad celiyey wada shaqeynta ay la leeyihiin Dawlada Itoobiya iyo D.D.S.I,is dhaafsiga Wada shaqeyn ee dhinac kasta ah iyo Salaan Sharaf uu udhiibay Wafdigaasi inay ka gaarsiiyaan Dhigiisa Cabdi Maxamuud Cumar.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE