Home WARARKA DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Heegan la galiyay, Xog laga helay Daacish...

DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Heegan la galiyay, Xog laga helay Daacish & Shabaabka ku sugan Galgala

0
SHARE

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada Maamulka Puntland kaidb markii ay saraakiishu sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan Buuraha Galgala dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab.

Dhanka kalena, Ciidanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay howlgalo xooggan ka wadaan bartamaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo kantaroolada, kadib markii ay soo bateen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya deegaanada Puntland iyagoo ka shaki qaba in qaraxyo la soo saaro.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in ciidanka ku sugan buuraha Galgala ay heleen xogo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo Al-Shabaab.

Tan iyo markii deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ay weerar khasaaro dhaliyay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada maamulka puntland ay wadeen howlgallo iyo waliba feejignaan dheeri ah iyagoo ka cabsi qaba in weeraro kale lagu soo qaado.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE