Home WARARKA DEG DEG AH: Daacish oo Qabsatay Magaaladii ugu horeysay Dalka Somalia

DEG DEG AH: Daacish oo Qabsatay Magaaladii ugu horeysay Dalka Somalia

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamadii dhawaan ka goostay Alshabaab ay qabsadeen deegaan hoostaga degmadaasi oo ciidamada Jubbaland ku sugnaayeen.

Deegaanka ay qabsadeen ciidamada ka goostay Alshabaab ee Daacish ku biiray ayaa lagu magacaabaa Tuulo Barwaaqo oo hoostagta degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Barwaaqo waxaa ku sugnaa ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana la sheegay iney isaga baxeen markii ay maqleen in ciidamada taabacsan Daacish kusoo wajahan yihiin degmada, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ciidamada Daacish ayaa markii ay qabsadeen deegaanka kadib waxaa la sheegay iney gubeen guriga gudoomiyaha degaanka oo dab ay qabad siiyeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Waa deegaankii ugu horeeyay oo ciidamada taageersan Daacish ay qabsadaan kuna taala gobolka Jubbada Hooe oo maamulka Jubbaland uu ka arimiyo.

SHARE