Home WARARKA DEG DEG: Ganacsade Caan ah oo Caawa lagu toogtay Magaaladda Beledweyne (MAGACIISA)

DEG DEG: Ganacsade Caan ah oo Caawa lagu toogtay Magaaladda Beledweyne (MAGACIISA)

0
SHARE

War deg deg ah oo goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in gudaha magaaladda Beledweyne lagu toogtay mid kamid ah ganacsatada caanka ah ee magaaladaas.

Allah ha unaxariistee Ibraahim Cismaan Mumin (Ibrahim Fanax) ayay kooxo hubeysan ku toogteen Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Beledweyne.

“Salaadda Cishe kadib ayay kooxo hubeysan toogteen marxuumka” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka magaaladda Beledweyne.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, xili ay baxsadeen kooxihii dilkaas ka dambeeyay.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili amaanka magaaladda Beledweyne uu waayadan soo hagaagayay.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE