Home WARARKA DHAGEYSO: Xaaska M/weynihii hore Galmudug C/kariin oo Bahdilaad & Heybsooc ku heysa...

DHAGEYSO: Xaaska M/weynihii hore Galmudug C/kariin oo Bahdilaad & Heybsooc ku heysa Arday Puntland ah

0
SHARE

Ardayda kasoo jeeda deeganada Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadiija Maxamed Almakhzoumi, oo ah Xaaska Madaxwaynihii Hore ee Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed.

Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada, ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.

Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen, Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Somalia.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay inay qoraalo u direen Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha isagoo ka codsaday in arrintaas wax laga qabto.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE