Home WARARKA DHAGEYSO: Xiisad ka taagan Magaalada Muqdisho(Degmo ayaan nahay & Xaafad ayaad tihiin)

DHAGEYSO: Xiisad ka taagan Magaalada Muqdisho(Degmo ayaan nahay & Xaafad ayaad tihiin)

0
SHARE

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulsahda ee deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa ka hadlay isqabqabsi dhanka xuduudaha ah oo u dhaxeeya iyaga iyo Maamulka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Cabdi Maxamuud Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada deegaanka Garasbaaleey ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay dhibaato kaga imaaneysay dhanka maamulka degmada Deyniiile oo sheegayay in deegaanka Garasbaaleey uu ka mid yahay Xaafadaha degamda deyniile.

Waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin deegaan aan ka mid aheyn Deyniile islamrkaana ay rajeynayaan in degmo loo aqoonsado sidaa daraaded ay yihiin Bulshada ku nool degmada dayniile dad walaalo ah lagana doonayo in ay si nabad u noolaadaan.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay madaxda ugu sareysa dalka sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha  in ay soo farageliyaan dulmi uu sheegay in ay ku hayaan maamulka degmada deyniile.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE