Home WARARKA Kenya oo ku dhawaaqday War uxun Shacabka Jubbooyinka & Shabaab oo loo...

Kenya oo ku dhawaaqday War uxun Shacabka Jubbooyinka & Shabaab oo loo diyaariyay qorshe Halis ah

0
SHARE

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan diyaarado dagaal oo aan caadi aheyn siisay dowladda Kenya si ay ula dagaalanto kooxda Shabaab.

War kasoo baxay xukumadda Nairobi ayaa lagu sheegay  in dhawaan ay howlgalin doonaan  diyaaradahaas dagaal ee ay ugu deeqday dowlada Mareykanka.

Go’aana Kenya oo ah mid cabsi u ah Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay in diyaaradahaas lagu tijaabiyo gobolladda Jubbooyinka halkaas oo ay ciidamada Kenya kula dagaalamayaan AlShabaab

Shir uu Saxaafada uqabtay Wasiirka amniga Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin ilaa Shan kuwaa oo labo kamid ah ay yihiin nooca qumaatiga u kaca.

Warkan Kenya kasoo baxay ayaa ah mid uxun shacabka deegaanadda Jubbaland, maadaama diyaaradaha dagaal ee dalkaas ay mar walba dhibaateeyaan dad aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Wasiir Joseph Nkaissery, waxa uu tilmaamay inay bilaabayaan dagaal cir iyo dhul ah oo ay ku qaadi doonaan deegaanada ay maamulaan Shabaab.

Wasiirka  waxa uu tilmaamay in weerarka uu noqon doono mid u badan cirka, qorshahana uu yahay in Shabaab lagu ciribtiro.

Dhanka kale Wasiir Joseph Nkaissery  ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka Kenya ugu baaqay inay u diyaar garooban hogaaminta ciidamada dhulka ee qaadi doona weerarka.

Si kastaba,  Joseph Nkaissery ayaa carab dhabay in Kenya ay heysato dhammaan agabkii ay u isticmaali laheyd duulaanka Al-shabaab.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE