Home WARARKA Madaxweynaha oo Xilka ka qaaday Wasiir Caan Ahaa oo shaqadiisa…

Madaxweynaha oo Xilka ka qaaday Wasiir Caan Ahaa oo shaqadiisa…

0
SHARE

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Jacob Zuma waxa uu badalay wasiirkiisii dhaqaalaha, markii labaad afar maalin gudahood.

Isbuucii lasoo dhaafay, Nhlanhla Nene ayaa lagu badalay Desmond Van Rooyen, tallaabadaas oo qalqal gelisay dhammaan suuqyada dalkaasi, lacagta Koofur Afrikana ee Rand-ga hoos u dhigtay.

Kaddib qeyblo dad weyne, habeenkii Axadda, Madaxweyne Zuma waxa uu sameeyay isbedel la taaban karo.

Markii uu hal isbuuc haayay xafiiska wasaaradda dhaqaalaha, Mr Van Rooyen waxa ay sababtay cabsi suuqyada oo dhan ku baahday, waxaana hadda lagu badalay Pravin Gordon.

Kuma cusba shaqada, Mr Gordhan, waxa uu wasiirka dhaqaalaha ahaan jiray ka hor Nhlanhla Nene waxaana xilligaasi uu aad uga dhex muuqday qalalaasihii dhaqaale ee dunida ee 2009kii.

Mr Zuma ayaa qeylada shacabka kaddib sheegay inuu arrintan u sameeyay si uu dadka ugu xaqiijiyo inuu dhageystay.

Lacagta dalka Koofur Afrika ee Rand oo isbuucii hore hoos u dhacday ayaa tani iyo maalintii Axadda soo gabsaneysay.

Sidoo kale saamiyada suuqa Johannesburg ayaa la filayaa inuu maanta dib u soo gabsado kaas oo hoos u dhacay kaddib markii Mr Nene la badalay.

SHARE