Home WARARKA War Cusub:-283 Askari oo ilaalo ka ahaa Madaxtooyada Turkiga oo…

War Cusub:-283 Askari oo ilaalo ka ahaa Madaxtooyada Turkiga oo…

0
SHARE

Warbixin Saaka oo sabti ah la helay ayaa ku warameysa in kudhawaad 300 oo katirsan Ilaalada Madaxtooyada Magaalada Ankara Ee Caasimada Turkiga Xabsiga loo taxaabay.

Tirada la sheegay inay ciidanku xireen ayaa ah 283 Xubnood oo waardiye ka ahaa Madaxtooyada uu ku shaqeeyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Waxa lagu Eedeeyey Ilaalada xabsiga loo taxaabay inay wax ka ogaayeen afgembigii Fashilmay ee 8 cisho ka hor ka dhaay Waddanka Turkiga.

Laamaha Amniga ilo katirsan oo warkaan xaqiijiyey waxay sheegeen in la tuhmay Boqolaalkaasi ilaalada ka ahaa Xarunta Madaxtooyada Turkiga baaritaana lagu hayo.

HOOS KA AKHRISO WAR KOOBAN O ARINTAAN AH KUNA QORAN AF INGIRIIS

Turkish authorities have arrested 283 members of the presidential guard of Recep Tayyip Erdogan over alleged affiliation to the last week’s failed coup.

Security sources, speaking on condition of anonymity, said the suspects were part of the special forces regiment stationed at the presidential palace in capital, Ankara.

SHARE