Home WARARKA XOG Al-shabaab oo godkooda biyo ugu galay & Ciidamo lasoo dhoobay…

XOG Al-shabaab oo godkooda biyo ugu galay & Ciidamo lasoo dhoobay…

0
SHARE

Jeneral Mark Stammer oo ah Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Geeska Afrika, oo la hadlaayay warbaahinta Jabouti ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay Saldhiga ay ka furteen Jabouti ay tahay inay beegsadaan Hogaamiyayaasha Al-shabaab, Daacishta Somalia iyo waliba Daacishta ku sugan Yemen.

Mr Jeneral Mark Stammer waxa uu sheegay in Ciidamadooda iminka ku sugan Xeradda Lemonnier ee dalka Jabuuti ay kaalin buuxda ka qaadan doonaan nabadeynta Somalia iyo Yemen, waxa uuna carab dhabay in qorshohooda uu yahay mid aad u fog.

Mark Stammer waxa uu sheegay in Taargetka koowaad ee Ciidamada uu yahay inay burburiyaan Xarumaha Al-shabaab ee ku yaalla Gobolka Sh/Hoose iyo Gobolo kale waxa uuna farta ku goday in qorshaha Al-shabaab iyo Daacishta Somalia uu yahay mid ka fog qiyaasta laga maleysankaro.

Mark Stammer ayaa sidoo kale, sheegay in Ciidamada ay u diyaariyeen Somalia iyo Yemen ay tirro ahaan dhanyihiin 4,000 oo Askar oo hadda lagu diyaarinaayo Xeradda Lemonnier ee dalka Jabuuti.

Waxa uu cadeeyay in Cabsidooda ugu weyn ay ka imaanayso dhanka Al-shabaab markii loo eego maleeshiyaadka kale ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Nuqul kamid ah haddalka Stammer ayaa waxaa kamid ahaa ”Inkastoo awoodda Alshabaab la wiiqay, waxay weli qorsheynayaan sidii ay waxyeello noo gaarsiin lahaayeen”.

Mr Mark Stammer wuxuu hadalkiisa intaa raaciyay inuu rumeysanyahay inay Al-shabaab awood u leeyihiin inay Dagaalka Jihaadka sii wadaan muddo dheer, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Jeneral Mark Stammer waxa uu sheegay inuu Taliskiisa ka kala shaqeynayo Ciiddanka AMISOM sidii ay uga guuleysan lahaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

SHARE