Home WARARKA XOG: Boqorka Sacuudiga oo amray in Bankiga lagu celiyo 50-Milyan oo Somalia...

XOG: Boqorka Sacuudiga oo amray in Bankiga lagu celiyo 50-Milyan oo Somalia loo waday

0
SHARE

Warar soo baxaya oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in dowaldda Sacuudiga ay hakisay dhaqaalo ay horay ugu balaan qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed cabdullaahi(Farmaajo)

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salaan Bin Cabdul Casiis ayaa la sheegay in uu hakiyay dhaqaalahaas sababo la xiriira go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhexdhexaadka ka ahaa khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in lacagtaan oo dhan 50 milyan uu horay u amray in la siiyo Soomaaliya Boqor Salmaan balse hada uu markale shaaciyay in dib loogu celiyo Bankiga dalkaasi Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dowladda Sacuudiga ay dib ula laabatay qorshooyin Mashaariic horumarineed looga fulin lahaa dalka Soomaaliya taas oo Soomaaliya horay u balan qaaday sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

Sikastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka Wadaamda Khaliijka iyadoona dowladda Sacuudiga ku cadaadineysa Soomaaliya in ay dhankeeda soo raacdo balse taasi ay diideen Madaxda dowladda Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE