Home WARARKA Xog laga helay Sababta ka dambeysa Dagaalka B/weyne & Qasaaraha

Xog laga helay Sababta ka dambeysa Dagaalka B/weyne & Qasaaraha

0
SHARE

Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hub kala duwan ayaa ka soconaya xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, kaa oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Dagaalka ayaa salka ku haya ama daba jooga saddex ruux oo labo cisho ka hor lagu dillay xaafadda Howl-wadaag oo mid ka mid ah beellaha dagaalamaya ku eedeeyeen in ay dileen maleeshiyo ka soo jeeda beesha kale.

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa guud ahaanba xaafaddaha ay magaalada ka kooban tahay, waxaana durbaba soconaya barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafadda Howl-wadaag oo cabsi qaba in dagaalku sii xoogeysto.

Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la dhigay dhaawacyada 12 ruux oo u badan dad rayid ah.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa In Shaa Allah….

SHARE