Home RA’YIGA XOG WARAN: Shacabka shaqaaqada xasilinta Xamar ku dhinta xagee xisaabsan yihiin?

XOG WARAN: Shacabka shaqaaqada xasilinta Xamar ku dhinta xagee xisaabsan yihiin?

0
SHARE

Muqdisho waxaa ka socda qorshe loogu magac daray ‘Xasilinta Caasimadda’ kaas oo u muuqda mid xoogaa wax ka badalay amniga caasimadda dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Inkastoo la masuugay aqoonta, tayadda da’ada iyo qorshaha ciidanka ku jira shaqadan iyo qaar ka mid ah hogaankiisaba hadana waxaa marag madoonta ah in aragtidaan ay aheyd mid loo baahnaa xili hore waxaase is weydiiyay hal arin oo hadii aaney Dowladdu qorshe u sameynin ay kula mid noqon karto kooxda Dowladda kasoo horjeeda ee Al Shabaab.

Qorshaha xasilinta caasimadda waxaa ugu muhiimsan in la aruuriyo hub ay dowladdu ku sheegtay sharci darro, ma xuma arintaas inkastoo nuuca bartilmaameedka dadka qaar masuugeen laakiin Dowladdu hal arin wali ma sharixin .

Qorshahan Dowladda ayaa dajisay ,ciidanka iyadaa soo dirtay, amartay meesha ay weerarayaan iyo cida ay hubka ka qaadayaan laakiin hadii uu dagaal yimaado waxaa ka dhasha waa dhimasho, dhaawac ,bur bur hanti iyo qaar kale ee maxaa u qorshe ah Dowladda ?

Hadii qof nabadda kasoo horjeedo la dilo ama tuug iyo mooryaan waxey leedahay jid la yiraahdo “Qofkaan nabadda ayuu ka hor yimid’ laakiin shacabka ay dhibaatadu kasoo gaarto howshaan ay waddo Dowladdu yey magdhow ku lee yihiin ? yaa daawadooda bixinaya ku dhaawacmay, hadii ay Dowladdu ku hadli doonto codkii Xasan Daahir Aweys ee ahaa ‘Malaay biyo la’aan ma noolaan karo shacabkuna waa sidaas ‘ waa halkeeda laakiin hubanti arintaan waa mid xal u baahan.

 

Dhowr iska hor imaad oo Dowladdu abuubshay ama ahaa duulano ay dad hubeysan ku qaaday si hubka loo dhigo waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay shacab ee Dowladdu ugu yaraan tacsi maka dirtay ? Mayee horta qorshaha hub ka dhigista malagu daray dhibka soo gaari kara shacabka ?

Ma rajeynaayo iney Dowladdu u dhaqmi doonto sida koox mucaarad ah oo ay iska indho tiri doonto xanuunka shacabka.

Cabdulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@hotmail.com

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE