Home RA’YIGA XOG WARAN: Wasiir Bayle Shaqada uu qabtay waxay sababeysaa in Maxkamad la...

XOG WARAN: Wasiir Bayle Shaqada uu qabtay waxay sababeysaa in Maxkamad la soo taago Madaxdii hore

0
SHARE

Markii aan akhriyay warbixinta uu dhawaan soo saaray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa iga timid illin, jirkoo dhan iyo xaadda i dhaqaaqday.

Wasiir Bayle, Warbixintan wuxuu ugaga hadlayaa wixii uu qabsoomay Wasaaraddiisa muddadii saddexda bilood ee la soo dhaafay, waxaanse aad ul yaabay xukuumadihii la soo dhaafay ee waqtiga badan innaga qaaday maxay dalkan iyo dadkan u reebteen, mase is tiri intaas in loogaga haro maahee waa in la xisaabtamo oo maxkamad la soo taagaa?

Warbixintu waxay sheegeysaa:

In la Xaqiijiyay Ciribtirka Musuqmaasuqa kaas oo la yareeyay 75%

Daqliga Dekada laga soo saaro oo la gaarsiiyay $300,000, ayadoo awal laga soo saari jiray $150,000

Daqliga Airportka oo la gaarsiiyay $75,000, halkii markii hore laga soo saari jiray $20,000 ilaa $30,000, kadib markii la bilaabay daba gal adag iyo la dagaalanka musuqa

Waxaa la baxiyay Dhammaan mushaarkii Ciidanka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Cuntada iyo saadka kale ee Ciidanka.

Waxaa la xaqiijiyay in wasaarad walba la siiyo waxyaabaha yaryarka ah aay ubaahantahay (Running Cost) si shaqadeeda u hirgasho, ayadoo awal eysan jirin in wasaaradaha iska warqabaan ama ee heelaan Running cost-gaas.

Waxaa lala kulmay dhamaan kooxaha kala duwan ee deemaha kuleh Somaliya oo aay kala yihiin Paris group, Non Paris group iyo International Banks, ayagoo balan qaaday in hadii 10 ka billood ee soo socoto saan loo shaqeeyo ay cafin doonaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo dhan 5 billion.

Wasiirka ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socoto Somaliya isku filnaan doonto iskana bixin doonto dhamaan deemaha lagu leeyahay, asagoo sidoo kale balan qaaday inaan deen dambe lagu yeelan Soomaliya, in ay deeq hesho mooyee.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socto uu rajeenayo in la dhiso Schoolada, Jaamacadaha, Waddooyinka iyo dhamaan xafiisyada Dowladda, ayadoo aan la sugeynin gacan shisheeye lana isticmaalayo dhaqaalaha Dowladda heysato.

Wasiirka ayaa sidoo kale Sheegay markii Caalamka uu arkay sida fiican ay u shaqeynayaan in uruurka midowga yurub uu ugu deeqay $50 milyan, sidoo kale wadanka Germany uu ugu deeqay Somaliya $70 milyan oo Euro ah oo lagu caawin doono abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in mardhaw ay rajeenayan in ay bilaabaan Canshuuraha barriga iyo isku xirka canashuuraha dowlad Giboleedyada ka dhisan dalka ee hoosyimaada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

W/Q: Ustaad Cabdulqaadir Mursal

 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE